Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye ka howl-galayey BOOSAASO oo mindi lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay wariye ka howl-galayey magaalada Boosaaso lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen saddex nin oo mindiyo ku hubeysnaa.

Wariyaha oo lagu magacaabo Ficil Burkud ayaa ka tirsan howl-wadeenada warbaahinta Daljir ee ka howl-gasha deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in wariyaha ay dhaawac culus u geysteen raggaasi oo burcad ahaa, waxaana ay waxyeeladu kasoo gaartay garabka midig, gacanta iyo bowdada.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxda burcadda ah ay horey usii qaateen taleefanka uu watay wariyaha oo markii dambe, isaga oo garaab ah goobta laga qaaday.

Ciidamada Puntland oo kadib sameeyey howl-gallo ayaa gacanta ku soo dhigay burcaddii ka dambeysay falkaasi, iyaga oo watay mindiyo iyo mobile-kii ay ka qaateen wariyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal iyo dhac intaba.

The post Wariye ka howl-galayey BOOSAASO oo mindi lagu dhaawacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this