Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Dowladda oo la wareegtay carruur haweenay ka dhuumatay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-19.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa  rasmiyan ula wareegtay daryeelka laba carruur ah oo todobaadyo ka hor haweenay uga dhuumatay Garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa shaaciyay in labada gabdhood oo da’doodu ka yartahay shan sano ay hadda dowladdu la wareegtay si ay u helaan daryeel iyo xannaano.

Xafiiska ayaa sidoo kale u mahadceliyay Qoys mudda laba todobaad ah gacanta ku hayay labadan gabdhood oo lagu magacaabo SIMAN iyo SIDRA.

Waxa xusid mudan in xafiisku aanu sheegin xiriirka ehelnimo ee ka dhexeeyay carruurtan iyo haweenayda uga dhuumatay gudaha Airport-ka Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Dowladda oo la wareegtay carruur haweenay ka dhuumatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this