Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Walter Mondale oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
2-21.jpg?resize=640%2C426&ssl=1Walter Mondale

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka xilligii Jimmy Carter, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida laga soo xigtay Qoyskiisa.

Walter Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu sheegay in uu geeriyooday, balse lama shaacin sababta geeridiisa.

Mr Mondale, wuxu ka tirsanaa xisbiga dimoqraadiga, wuxuuna sanadkii 1984 u tartamay xilka madaxweynaha Mareykanka, inkastoo uu cod aqlibiyada leh uga adkaaday Ronald Reagan.

Geeridiisa waxaa ka tacisiyeeyay madaxweyne, Jose Biden oo sheegay in Mondale uu ahaa ninkii ku soo dhaweeyay aqalka Senateka markii isaga oo da’yar uu ku soo biiray.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Walter Mondale oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this