Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Colaad ka aloosan dhul deegaan oo Axmed Madoobe ka gaday Xawaaladda Kaah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaallada Kismaayo xarunta ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaas ay xiisad colaadeed ka aloosantahay markii dhul beereed deegaan u ahaa beesha Hartiga ay duulaan ku qaadeen ciidamo sida la sheegay uu soo diray madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam.

Ciidammada ayaa doonayay inay xoog uga raraan dad dhulkaas deggenaa hasa yeeshee waxaa iska hor immaad dhex maray dadkii deegaanka iyo ciidankii halkaas tegay, sida la sheegay iska hor immaadkaas waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay tiro ilaa seddex qof lagu sheegay oo labada dhinac ah.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka ma aha markii ugu horeysay oo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe uu deegaankooda ku soo duulo isagoo adeegsanaya ciidammada maamulka, waxayna carrabaabeen in dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ciidammada maamulka loo adeegsaday oo ay burburiyeen dhismayaal meherado ahaa iyo dhul beereed dadkii lahaa xoog looga qaatay. Sida ay sheegeen xubno ka mid ah dadka deegaanka dhacdadan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu madaxweyne Axmed Madoobe dhulka ay deggenyihiin uu lacag 500 kun dollar kaga iibsaday Xawaaladda Kaah.

Eedaha noocaan ah ee dadka deegaanka u jeedinayaan madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa isla markaasna ay marar badan madaxweyne Axmed Madoobe arrimahaas ugu tageen laakiin aysan jirin wax is bedelay.

“Waxaa dhibaato joogta ah nagu haya niman xoogaa lacaga ah haysta iyo kuwo dulaaleey ah oo ku xiran madaxweyne Axmed Madoobe oo ku leh guriga aad deggentahay ama beertaada anigay igu fiicantahay, maalinta xigtana askar ka soo wadanaya madaxtooyada!…” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka oo cabsi ammaankiisa u qabo awgeed codsaday inaan la sheegin, “Waxaad moodaa in Axmed Madoobe iyo dadka ku dhowdhow inay si gaar ah u bar tilmaansanayaan dadka Hartiga, oo mar kasta dadkaas ay si gaar ah ay u beegsanayaan hantidooda hadday tahay guri ama beer ama meherad kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa noo suuroobi waayay xiriiro aan isku daynay inaan la samayno ciidammada ammaanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbalnd mana jiraan wax war ah oo dhacdadaas ama cabashooyinka ay dadka deegaanka sheeganayaan la xiriira oo ka soo baxay dhinaca maamul goboleedka Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Colaad ka aloosan dhul deegaan oo Axmed Madoobe ka gaday Xawaaladda Kaah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this