Deeq A. Posted April 19, 2021 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen. Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Koongo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites