Deeq A. Posted April 19, 2021 Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah usbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay. Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah kooxda “Ilaaliyaasha Islaamka”, kuwaa oo Modi, ku eedeeyay inuu hurinayo rabshado diimeed ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan India, Booliska ayaa ku dhawaaqay qabashada hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, Axadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidamada ay weerareen goob uu ka socday shir islaami ah oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Dhaka. Wakaaladda wararka France Presse, oo soo xigatay afhayeenka u hadlay Booliska Bangladesh, ayaa sheegtay Toddobaadkan gacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihii toddobaad ee dhaqdhaqaaqa, Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq. Booliska ayaa sheegay in 298 xubnood iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqan laga soo qabtay bariga wadanka. PUNTLAND POST The post Boqolaal Muslimiin ah oo lagu xiray Bangladesh appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites