Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo markii labaad howlgal kasoo fulinaya Banaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadii Alla ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Puntland waxay Ciidan u dirtay Koonfurta Soomaaliya, Howlgalkassoo ujeedkiisu ahaa Soo celinta Dowladnimada Soomaaliya.

Hada kolkii labaad ayaa Ciidamada Difaaca Puntland waxay Howlgal kasoo fulinayaan Deegaano ka baxsan Puntland, marakan waxay Ciidamada Puntland caawinayaan Maamulka Dariska aan nahay ee Galmudug.

Puntland iyo Galmudug ayaa kala saxiixdey Heshiis Difaac oo Deg deg ah kadib markii Qaybo kamid Deegaanada Galmudug ay kusoo rideen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug syaa dhowaan bilaabaya howlgal lagu sifaynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan Deegaanada Koonfireed ee Gobolka Mudug, Heshiiskaan ayaa lagu tilmaamay mid faa’iido weyneyn leh labada Maamul, Iskaashiga Ciidanku wuxuu suuragalinayaa in Bulshada Soomaaliyeed ay isusoo dhowaadeen , Ciidamaduba isdhex galaan.

Puntlandi.com Gaalkacyo

6CB18F24-948A-4CE1-B44D-7E52793D6097.jpe

The post Ciidamada Puntland oo markii labaad howlgal kasoo fulinaya Banaanka Puntland appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this