Deeq A. Posted April 19, 2021 Madaxweynaha Puntland dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah cafis u fidiyay 66 maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu cafiyay maxaabiistan oo danbiyo kala duwan loo haystay inkastoo aan magacyadooda la shaacin. Wareegtada waxa lagu xusay in maxaabiistan uu madaxweynuhu u cafiyay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo xaaladda xanuunka Covid-19 awgeed. Sidoo kale waxa wareegtadan lagu sheegay in wasaaradda Caddaaladdu ay madaxweyne Deni u soo jeedisay cafinta dadkaas maxaabiista ahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay 66 maxbuus appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites