Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee N’djili kusoo dhoweeyey Madaxda Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in safarka Madaxweynaha uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Farmaajo uu dalka kaga baxo tan iyo markii uu muddo xileedkiisa uu dhammaaday 8-dii Febraayo iyo toddobaad kadib markii uu laba sano ku darsaday.
175638923_3953780038039778_3001552253388 175722587_3953780051373110_6961258682516 175943756_3953780058039776_7240052754187 176057555_3953780224706426_5724354622191 175903209_3953780294706419_3719295882034 175592999_3953780314706417_6707208376286

The post Sawirro: Farmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this