Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Wada-hadallo Foolka-fool ah oo ay yeesheen Saudi Arabia cuudiga & Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Saudi Arabia & Iran oo yeeshay wada-hadallo Foolka-fool ah

iran-4-300x168.jpg

Saraakiil sare oo ka kala socda dalalka boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ayaa wada-hadallo toos ah yeeshay iyagoo isku dayaya in ay hagaajiyaan xiriirkooda, afar sano kadib markii uu go’ay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, sidaasina waxaa Axadda maanta ah warisay jariidadda Financial Times oo soo xiganaysa saraakiil ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wareegga koowaad ee wada-hadallada Sacuudiga iyo Iiran ayaa 9-kii bishan ka dhacay magaalada Baghdad, oo waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahayd weerarrada ay kooxda Xuuthiyiinta ee garabka ka hesha Iran ku qaaddo dhulka boqortooyada Sacuudiga, sida ay Financial Times ka soo xigatay mid ka mid ah saraakiisha.

Financial Times ayaa sidoo kale ku warrantay in sarkaal sare oo Sacuudi ah uu beeniyay in wax wadahadal ah lala galay Iran. Telefishanka Al-Mayadeen ee dalka Lubnaan oo taabacsan Iran iyo wakaaladda wararka ee Unews ayaa labaduba soo xigtay ilo Iiraaniyiin ah oo diiday wada-hadalka Sacuudiga.

Warbixintan ayaa timid iyada oo Washington iyo Tehran ay isku dayayaan in ay soo nooleeyaan heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii kaasi oo Riyadh diidan tahay, iyo xilli ay dowladda Mareykanku waddo cadaadis ah in la joojiyo dagaalka Yemen, oo loo arko mid ay ku herdamayaan Saudi Arabia iyo Iran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this