Deeq A. Posted April 18, 2021 Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Paris ee Dalka Faransiiska. Prof. Gaandi wuxuu ku geeriyooday da’da 72 sano jir, wuxuuna ahaa aqoonyahan cilmiga dhulka, cilmiga bini-aadamka, taariikhyahan iyo siyaasi. Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009, wuxuuna mar ahaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, sidoo kale wuxuu noqday safiirka Soomaaliya ee Kanada. Prof. Gaandi wuxuu madaxweyne ka ahaa maamulkii Azania (Jubaland) ee looga dhawaaqay 3-dii Abriil 2011 magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Prof Gaandi, wuxuuna tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyihiin Bulshada Jubaland. “ Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Prof. Gaandi oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites