Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo beenisay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-19.jpg?resize=1000%2C680&ssl=1

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster, ayaa beenisay war ay faafisay xukuumadda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan kulan dhexmaray safiirka iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

Balse, waxa warkaas beenisay safiirka Ingiriiska mrs. Kate Foster, taas oo sheegtay in ay Ra’iisul wasaare ku xigeenka kala hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna mudda kordhinta loo sameeyay dowladda.

Waxa Ra’isul Wasaare ku Xigeenka loo sheegay in dowladda UK aysan taageeri doonin muddo kordhin. Waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto.” Ayay tiri safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya.

UK.png?resize=602%2C507&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ingiriiska oo beenisay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this