Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Shaacisay Qofkii Ka Dambeeyay Weerarkii Xaruntooda Niyukliyerka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa shaacisay nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz.

Reza Karimi ayaa ka qaxay Iiraan wax yar kahor qaraxa, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay raadinayaan booliiska Interpol.

Interpol ayaa sheegtay in ayna xaqiijin karin in Mr Karimi uu ku jiray liiskeeda cas ee dadka la raadinayo. Iiraan ayaa weerarka ku eedeysay Israa’iil waxayna kordhisay howlaheeda nukliyeerka.

Israa’iil ma xaqiijin mana beenin inay ku lug leedahay weerarkaas, balse ra’iyi dadweyne oo Israa’iil laga leeyahay ayaa ilo sirdoonka ah ka soo xigtay inuu ahaa howlgal dhanka internet-ka oo ay fuliyeen Mossad.

Weerarka ayaa ku soo beegmay wax kahor Iiraan oo lagu waday inay ka qeyb qaadato wada hadallo looga gol lahaa soo celinta heshiiska nukliyeerka 2015 ee ay la gashay Mareykanka, UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka.

Heshiiska ayaa looga gol leeyahay in lagaga hortago in Iiraan ay horumariso hubkeeda nukliyeerka, taas oo ay Iiraan beeniso inay u gol leedahay. Israa’iil ayaa ka soo horjeesatay heshiiska, iyadoo sheegtay in aanu ka hortageyn in Iiraan ay yeelato hubka nukliyeerka.

Heshiiska, oo horseeday in Iiraan ay xaddiddo howlaheeda nukliyeerka iyadoo ku beddelaneysa in laga khafiifiyo cunaqabateynta, ayaa khatar ugu jiray inuu burburo kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiiskaas isaga baxay sannadkii 2018.

Hadalkii Iiraan ee ahaa inay soo saari doonto Yuraaniyam 60% la tayeeyay kaddib weerarkii Axaddii hore ayaa sii carqaladeynaya heshiiska, iyadoo sida uu heshiiskaas dhigayo loo oggol yahay inay yuuraaniyamteeda tayeyso keliya 3.67%.

Ma cadda gebi ahaanba sida uu u dhacay weerarka. Si kastaba, Alireza Zakani, oo ah madaxa xarunta baaritaanka ee baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in kumannaan mashiinno ah oo loo adeegsan jiray sifeynta nukliyeerka la burburiyay amaba waxyeello lagu gaarsiiyay Natanz.

Weerarka ayaa ka dhacay xarun ilaa 50m (165ft) dhulka hoos u qodan, sida uu sheegay sarkaal kale.

Shalay, telefishinka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in wasaaradda sirdoonka ay “Reza Karimi, u aqoonsatay inuu ka dambeeyay weerarkaas”.

“Tallaabooyin ku habboon ayaa socda oo lagu soo xirayo dibna loogu soo celinayo dalka,” ayay intaas ku dartay.

Telefishinka ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalka waxyeellada gaartay xarunta.

Balse mar la weydiiyay in Mr Karimi uu ku jiro liiskeeda cas, ayay Interpol ka gaabsatay inay ka jawaabto.

Wada hadallada looga gol leeyahay soo celinta heshiiska nukliyeerka Iiraan, oo Khamiistii ka bilowday caasimadda Austria ee Vienna, ayaa la sheegay in horumar laga gaadhay.

Si kastaba, madaxa wada xaajoodyada Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in xaalku aanu fududeyn isla markaana ay jiraan arrimo la isku maandhaafsan yahay.

Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, Britain, Jarmalka iyo Iiraan ayaa dhammaantood ka qeyb qaadanaya. Maryekanku kuma jiro, inkastoo ay wafdi ka socda ku sugan yihiin hoteel agga ka dhow, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this