Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cabdi Gandhi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ahaana musharax madaxweyne ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Prof. Gandhi ayaa lagu warramayaa inuu maalmihii tegay halkaas ku xanuusanaa, kuna geeriyooday isbitaal ku yaalla, hase yeeshee weli wax faah-faahin ah lagama bixin xanuunka hayey.

Prof. Gandhi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda isirka Soomaalida, wuxuuna haystay laba shahaado oo PhD ah.

Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

The post DEG DEG: Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this