Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Galmudug oo hawlgal wadajir ah ka fuliyay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
2-18.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ciidamada Booliiska Galmudug iyo Puntland ayaa xalay Gaalkacyo ka fuliyay Howlgalo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgalkaan oo ay wadajir u fulinayaan Booliiska Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga waxaa ay ciidamadu ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkaan ayaa tilmaamay in Howlgalkaan loogu talo galay sugitaanka Amniga Gaalkacyo iyo sidii looga hortagi lahaa falalka Al-shabaab ka gaystaan magaalada

Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska ee markasta u taagan xaqiijinta Amniga.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Galmudug oo hawlgal wadajir ah ka fuliyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this