Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo diiday codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Mucaaradka-1.jpg?resize=1000%2C497&ssl=1

Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya, si adag u diiday dalab ka yimid Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Murashixiinta ka codsaday in uu la kulmo sida ay xaqiijiyeeen dad lagu kalsoonyahay.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, oo xalay kulan gaar ah la yeeshay Golaha Midowga Murashixiinta, ayaa u gudbiyay farriin ay ka sideen Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in uu mucaaradka la kulmo, balse Golaha ayaa si adag ugu gacan-sayray dalabkaas.

Xubnaha Midowga Murashixiinta ayaa labada Madaxweyne ee Qoor Qoor iyo Guudlaawe u sheegay in aysan marnaba la kulmi doonin Madaxweyne Farmaajo, waxaana halkaas ku fashilmay kulankii dhexmaray labada dhinac.

Hoggaamiyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo Mucaaradku hore uga codsaday, in ay caddeeyaan mowqifkooda mudda kororsiga dowladda ayaa weli ka war-wareegaya arrintaas, waxaana la sheegay in ay u muuqdaan farriin-sidayaal ka socda Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo diiday codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this