Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Saadaq Joon oo fariisimo ka samaystay xaafado ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=768%2C480&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo daacad u ah Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay fariisimo ka samaysteen xaafado ka tirsan Muqdisho.

Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa fariisimo ciidan ka samaystay xaafadaha Black sea iyo Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodon, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Magaalada Muqdisho, waxa weli ka taagan xiisadda u dhexaysa dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq joon, kaas oo xilka laga qaaday 12-kii bishan April 2021 kadib markii uu ka horyimid mudda kororsiga dowladda.

Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka ayaa taageero u muujiyay Gen. Saadaq Joon, waxaana ay ku baaqeen in laga difaaco, haddii weerar kaga yimaado dowladda, inkastoo dowladdu sheegtay in aysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Saadaq Joon oo fariisimo ka samaystay xaafado ka tirsan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this