Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amniga oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Libya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,  ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin,  isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona  meel-marinta go’aankan.

Sidoo kale  dowladda  midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee sanadkan.

Go’aanka golaha ammaanka ay codka aqlabiyad ah ku meel mariyeen ayaa ka dambeeyay soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres.

Libya ayaa deganaansho la’aan ku jirtay tan iyo 2011, markaas oo xukunka  xoog looga tuuray hogaamiyihii dalkaas Macamar Al Qaddafi.

PUNTLAND POST

The post Golaha Amniga oo ansixiyay xabbad joojin laga hirgeliyo Libya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this