Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa sababay in lagu kala caroodo kulankii Qoor Qoor, Guudlaawe iyo M/Musharaxiinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan u dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa caawa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa kulankaas Midowga Musharaxiinta kula wadaagay fariin ay uga wadeen madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in musharaxiintu ay aqbalaan kulan uu ka soo dalbaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, waxayna si cad u diideen codsiga ka yimid Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Sidoo kale ilo ku dhow kulankii dhacay caawa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isaga baxay kulanka, kadib markii Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aan ka turjumeyn mowqifkii ay ka sugayeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan mudo kororsiga Farmaajo, isla markaana ay go’aankooda ka cadeeyaan shirweynaha beelaha Mogadishu Clan ay iclaamiyeen Isniinta todobaadkan.

Hase yeeshee kulankii caawa u dhaxeeyey iyaga iyo musharaxiinta ayey xaadireen iyagoo ah farriin sidayaal, taas oo keentay in kulanka uu ka baxo musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kadibna sidaas lagu kala tago.

Caasimada Online ayaa kol sii horeysay idinla wadaagtay in caawa kulankaan uu dhici doono, iyadoo xogtii aan idin siinay ay ku jirtay in fariin moocaas ah ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ka sidaan Farmaajo.

Xogtii aan horay idiinla wadaagnay waxaa ku jirtay in musharaxiintu ay shuruudo waaweyn ku xiri doonaan la kulanka Madaxweyne Farmaajo, kuwaas ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu ka laabto mudo kororsigii uu sameystay dhawaan iyo inuu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu dhamaaday mudo xileedkiisii, go’aan dambe oo masiiri ahna uusan qaadan karin.

The post Maxaa sababay in lagu kala caroodo kulankii Qoor Qoor, Guudlaawe iyo M/Musharaxiinta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this