Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Taageerayaashiisu ma aysan fahmin Rules of the Game

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo kolkii loo doortay Madaxweynanimada Soomaaliya, Waa lagu hanweynaa, inkastoo Siyaasiyiin badan ay ka digeen, qaar badana ay hada aaminsan yihiin in uu yahay shaqsi lagu qaldanay.

Siyaasadu waxaa lagu sifeeyaa inay tahay Ciyaar sharciyaysan oo Xeerkeeda leh, (Rules of the Game) waxaana ka bixi kara Qofka fahansan Xeerka Ciyaartaas.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed Iyo Raysal wasaare Cabdiwali Gaas waxay Lasoo daalaa dhacaanba waxay Soomaaliya kasoo saareen Nidaamkii Kumeelgaarka, Sagaalkii Bilood ee Roadmapka Kambara Accord waxaa Soomaaliya looga saaray kumeel gaarkii.

Madaxweyne Xasan Shekh iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid waxay bilaabeen Dowlad la aqoonsanyahay ,waxay ku guulaysteen in ay sii wadaan Nidaamkii iyo Wadadii Dalku ku socdey, waxay dhamaystireen Dowladihii Xubnaha ka noqonayay Federaalka, Shaqadaas oo ay u mareen wado qodxo badan , ismarinwaa Siyaasadeed oo hadba qaab uun looga gudbayay aakhirkii, Shantii Dowlad Goboleed iyo Madaxweynehooda oo gacanta is haysta ayaa Dalka soo gaarsiiyey Doorasho aan haba yaraatee wax muran iyo Xurguf ah aysan ka dhicin, Maalin cadbaana si nadadgalyo leh oo qurux Dimoqoraadiyaydeed ay ku dheehan tahay uu Madaxweyne Xasan Sheikh ugu wareejiyey Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo lix bilood kadib Doorashadiisii wuxuu bilaabay inuu la dagaalamo Nidaamkii Federaalka ee Caalam iyo Soomaaliya ay wakhti, Naf iyo maal ay galiyeen, Ushii loo dhiibay wuxuu ka tuuray daaqada, wuxuu jeebka kala soo baxay Kitaab aan Soomaaliya ku cusbayn iyo Film ay horay Soomaalida  labaatan Sano soo daawanaysay1969-1990, Waxaa Villa Soomaaliya iskasoo buuxshay Odoyaal (Haraagii Kacaanka), Nina kama qorsoona Dadka aan ka hadlayo ee Lataliyaasha u ah Madaxweyne Farmaajo, 

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas , Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Sheikh Aaden iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay arkeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Lataliyayaashiisa ay khatar ku yihiin Nidaamka Federaalka iyo Dowladninada ee mudada lagasoo dhaqaynayay Laguna caano maalay.

Waxay dhowr jeer uga digeen Siyaasada ku salaysan Wax ka baxsan wixii Soomaali ku heshiisay, iyo inuu isku dayo inuu Dalka kusoo cesho nidaamkii Kaligii talisnimada ee ku salaysnaa kooxaysi, Wadaniyad been ah iyo Borobogando Bulshada been loogu sheegayo, iska horkeen Bulsho, Qabiilaysi.

Farmaajo iyo Lataliyayaashiisa cidna ma ay dhagaysan waxay bilaabeen Dagaal ka dhan ah Maamuladii Dhisnaa, Farmaajo wuxuu iclaamiyay Dagaal ka dhan ah Dowlad Goboleedyadii, Galmudug, Hirshabele iyo Koonfur Galbeed waxay ku guulaysteen iney lanwareegaan hagaanka Maamuladaas, Laakiin Dagaal Siyaasdeedkii lagu qaadey Jubbaland iyo Puntland wuu ku guul daraystey.

Wuxuu kaloo Dagaal ku qaadey Siyaasiyiintii uu aaminsanaa inay kasoo horjeesanayaan Nidaamkiisa, Wuxuu ku tilmaamay Madaxweynayaashii hore Siyaasiyiinta Xanaaqsan. Wuxuu weerar hubaysan ku qaadey Siyaasiyiin.

Puntland waxaa Xilkii la wareegay Madaxweyne Deni oo ushii Gaas u dhiibay meeshaas kasii waday, Jubbaland wixii ka dhacay cidna loogama sheekaynayo.

Dagaalka uu Farmaajo ku qaadey Maamul Goboleedyada iyo Mudharixiinta ayaa Puntland, Siyaasiyiinta Musharixiinta iyo Jubbaland ay uga jawaabeen Dagaal Siyaasadeed oo ilaa hada socda, Soomaalida oraah ay tiraahdo ayaa oranaysa HASHU IYADAA RATIGA QANIINTA HADHOWNA CABAADA.

Ilma Farmaajo iyagaa Dagaalka bilaabay hadana cabaadaya, maalmahaan waxay ku waasheen, Qabiil baa naloo eryanayaa, Soomaaliya la iibinayaa, Xamar baa burburaysa, 1991 baa loo noqonayaa, waxaas oo dhan waxa ka keenaya guuldarada Siyaasadeed ee ay wajahayaan, 

Iskusoo duuboo Farmaajo iyo taageerayaashiisu waxaysan fahansanayn Xeerka Ciyaarta Siyaasada “ RULES OF THE GAME”.

Puntlandi.com Garowe

323147B5-2643-47C3-8788-E84CF2F9F50E-800

The post Madaxweyne Farmaajo iyo Taageerayaashiisu ma aysan fahmin Rules of the Game appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this