Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya oo oon soo hadalqaadin kulankii Beesha Caalamku ugu yeertay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaka ayaa Beesha Caalamku dalbatay in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu kula kulmo Afosyooni, Kulankaasoo Albaabadu u Xiraayeen.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya Ayaan ilaa hada soo hadal qaadin kulankaas wuxuu kusoo dhamaadey, Laakiin Warbaahinta Puntlandi.com oo u kuur gashay, warar Dublamaasiyadeed oo aan helnay waxay sheegayaan in kulanka si kulul loola hadlay Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqeen inaan la aqbalayn Mudo kordhin laba arimoodna looga fadhiyo Madaxweynaha.

  • In Uu ka laabto warqadii uu saxiixay ee Mudo kordhinta kunasoo laabto Miiska Wadahadalka ee Yaala Teendhada Afisyooni
  • Iyo inuu is casilo

Waana sababta ay Villa Soomaaliya uga gaabsadeen inay soo hadal qaadaan Kulanka.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Beesha Caalamka uu hadalkoodu wax leexleexada lahayn ayna si toosa Ula hadleen Farmaajo, waxaa hadalka Beesha Caalamka laga Dhadhansanayay intet wax weyn ka ogyihiin kulamadii hore ee dhex maray Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada, tasoo macneheedu yahay in Beesha Caalamku ay og yihiin Cida uu ka socon waayay Heshiiskii 17 Sebtembar.

Puntlandi.com Muqdisho

400AF049-AFED-42D6-B69C-4333D0407A48.jpe

The post Villa Soomaaliya oo oon soo hadalqaadin kulankii Beesha Caalamku ugu yeertay Madaxweyne Farmaajo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this