Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo qaadacay muddo kordhinta federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16186605059171530-1.jpg?resize=71

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay dood dheer ka dib qaadaceen muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 xildhibaan ay diideen muddo kordhinta faderaalka, 1 mudane ogolaaday, 2 ka aamuseen.

Saxaafadda ayaa maanta laga saaray fadhigii Golaha Wakiillada Puntland oo horyimaadeen madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo qaadacay muddo kordhinta federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this