Deeq A. Posted April 17, 2021 (SLT-Laascaanood)-Xaalada deegaanka Dhabardalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa degan maanta kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socdey dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa u baxay deegaanka dhabardalool, si loo joojiyo Colaada ka socota deegaankasi, Sidoo kale Ciidamada Milatariga Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo shalay ilaa maanta gaadhay deegaankaasi, ayaa ku guuleystey in ay kala raraan maleeshiyaad beeleedkii ku dagaalamay deegaanka Dhabardalool. Source Share this post Link to post Share on other sites