Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka oo is Xog waraysanaya, Saxaafada oo banaanka loo jafay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhawayd uu kulan u bilowdey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaanada Puntland, Kulankasoo Albaabadu u xiran yihiin wuxuu ka socdaa Aqalka Baarlamaanka.

Madaxweynuhu wuxuu kulankaan oo kale uu Xalay la yeeshay Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dumarka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada.

Sida ay Xogta ku hayaan Puntlandi.com Madaxweynuhu wuxuu Baarlamaanka u jeedinayaa Khudbad uu uga xogwaramay Safarkiisii Muqdisho bilow ilaa dhamaad wuxuu kala kulmay.

Kadib Madaxweynuhu wuxuu Xildhibaanada hordhigayaan Talaabada ay Puntland ka qaadayso Madaxweynaha Xilka laga Fujinwaayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Go’aanka Puntland ka gaarayso Hadii dhib ka dhasho Mudada uu Madaxweyne Farmaajo kororsadey.

Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Madaxweyne Deni wuxuu Baarlamaanka ka dalbanayaa Qodob u fasaxaya inuu Kalsoonida Madaxweynanimada kala laabto Madaxweyne Farmaajo iyo inuu si dhow Puntland ay si dhow ula shaqaynayso Jubbaland iyo Musharixiinta si Dalka looga badbaadiyo Boob xukun iyo Burbur.


Warar waxaa jira iyana aan helayno oo sheegaya in Madaxweyne Deni uu Afurka kadib la hadli doono Shacabka Puntland.

Puntlandi.com

E7C01F69-44F5-4FC2-B416-AEAAB8333E8B-727

The post Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka oo is Xog waraysanaya, Saxaafada oo banaanka loo jafay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this