Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO iyo wakiilada beesha caalamka oo uu shir uga furmay Afisyoone

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa goor dhow ka billowday Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane.

Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muddo kororsiga ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyey.

Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa yeelatay weji cusub, waxaana Farmaajo iyo Mursal ay ku adkeysanayaan muddo kordhinta loo sameeyey oo dhalisay xiisad kale oo siyaasadeed.

The post FARMAAJO iyo wakiilada beesha caalamka oo uu shir uga furmay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this