Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxaafadda oo laga saaray kulanka madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16186483314876717.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Baarlamaanka ayaa goordhaweyd u furmay kulan albaabadu u xiran yihiin.

Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland ayaa saxaafadda iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay kulan ku wargeliyay in kulanku yahay mid gaara oo albaabadu u xiran yihiin.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay warbixin, is-xogwareysi iyo wada-tashi uu madaxweynuhu la qaadanayo Baarlamaanka, kaas oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.

Kulanka Baarlamaanka waxaa madaxweyne Deni ku weheliya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

PUNTLAND POST

The post Saxaafadda oo laga saaray kulanka madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this