Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Weriye iyo labo qof oo kale oo shil gaadiid ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16186245619741420.jpg?resize=488%Marxuum Nuur Jaamac Aadan

Weriye iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaadiid oo ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Nuur Jaamac Aadan oo ahaa weriye samafale ah, hooyadiis iyo walaashiis ayaa ku geeriyooday shil ka dhashay labo gaari oo mid xamuul yahay midna kuwa raaxada yahay oo isku galay aaga tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

  • PhotoCollage_20210417_050031548-1.jpg?reShilka gaadiid ee Libaaxo

Meydka saddexda marxuum ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Garowe, welina shilkaas wax faahfaahin ah kama bixin saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay gudaha Puntland, waxaana la sheegaa in sabab u tahay gaadiidka xawaaraha saa’idka ah ku socda iyo burburka waddooyinka qaarkood.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Weriye iyo labo qof oo kale oo shil gaadiid ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this