Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Madoobe oo wadatashi la sameeyay bulshada Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210416_233338430.jpg?resi

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo kulamo wadatashi ah kula qaatay qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanadooda.

Madaxweynaha Jubaland ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan caawa kulan miro dhal ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland iyo aqoon yahanka deegaanka iyadoo aan la wadaagay xaalada uu dalku marayo iyo dadaalkii lagu soo bixiyay dib u dhiska dalka”.

Dhanka kale afhayeenka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa yiri “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu caawa kulan wadatashi ah la qaadan doonaa Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka ah ee reer Puntland. Wadatashiga kadib, Puntland waxay soo saari doontaa war ku saabsan mowqifkeeda ku saabsan mudo kordhinta sharci darada ah ee uu sameeyay Farmaajo”.

Madaxweyne Deni ayaa wadatashigan sameeyay ka hor inta uusan berri oo sabti ah hortegin Baarlamaanka Puntland oo u jeedin doono khudbad.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maalmo ka hor Muqdisho ka tagey markii uu fashilmay shirkii Afisyoone ee doorashada Soomaaliya, sidoo kale soo baxay go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Madoobe oo wadatashi la sameeyay bulshada Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this