Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho Lagu Dilay 8 Qof Oo Ka Dhacday Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Indianapolis)-Sideed qof ayaa lagu dilay qaar kalena waa la dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday xarunta Indianapolis FedEx ee dalka Maraykanka.

Weerarka dadka lagu dilay ayaa waxaa fuliyay qof markii dambe isagana is diley sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliska magaalada Indianapolis.

Lama oga sababta ka dambeysay in ninkan uu dil wadareed ku kaco waxaana goobta uu dilku ka dhacay xidhy ciidammada iyagoo baadhitaan ka sameynaya.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaaboyin uu kaga hortagayo sidii loo xakamayn lahaa isticmaalka hubka gudaha dalka Maraykanka.

Tirada dadka lagu dilay gudaha dalka Maraykanka sannadkan ayaa gaadhaysa 12,395 ruux halka sanadkii hore la diiwaangeliyay tiro gaareysa 43.549 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this