Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Mareykanka U Soo Magacaabayo Soomaaliya??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka filayaa inuu Safiir cusub u soo magacaabo Soomaaliya, kaasoo bedelaya Donald Yamamoto oo howshiisa diblomaasiyadeed u soo dhammaatay.

Safiirka cusub ee bedelaya Yamamoto ayaa lagu magacaabaa Lary Edward Andre, kaasoo ahaa Safiirka Jabuuti tan iyo sannadkii 2017.

Lary ayaa sidoo kale Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sannadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh Safaarad, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this