Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Culus Oo Saaka Waaberigii Dib Uga Bilaabmay Gobolka SOOL Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Saaka waaberigii ayaa markale rasaas ka bilaabantay Ceelka Dhabar-dalool oo dhaca jiida koonfureed ee degmada Xudun una dhow Tuulada Holhol.

Dagaalkan oo ku bilaabmay si goosgoosa ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in haatan laysu adeegsanayo hubka waaweyn noocyadiisa kala duwan.

Goobta dagaalku ka socdo oo aan lahayn anteenada telefoon gacmeedka awgeed ayay adag tahay in la helo khasaaraha dhabta ah ee meeshass wax ka dheceen, waxaase ila wareedyada ugu dhow xaqiijinayaan in daryanka rasaasta waaweyn meel kasta laga maqlayey.

Dhinaca kale waxaa si isdabajoog ah warbaahinta u soo gaadhaya baaqyo kala duwan kuwaas oo ay madaxda dhaqanka oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, cuqaal iyo waxgaradkala duwan.

Sidoo kale maamulka gobolka Sool oo u horreeyo Gudoomiyaha Gobolka Cabdiqani Jiidhe iyo Gudoomiyaha Degmada Xuddun ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada caqliguna sheqeeyo, bisha Barakaysana la xushmeeyo.

Wixii ka soo kordha kala socda Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this