Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb-galay Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray howl-galada ka dhanka ah argagixisada gaar ahaan guulaha ciiidamada xoogga ay ka gaareen howl-galadii ugu dmabeeyay ee ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa hoggaanka saraakiisha ciidamada howl-galka midowga Africa ee AMISOM iyo wakiilka Midowga Africa uqaabilsan Howl-galka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubno ka sacday UK Mission iyo qaar ka mid ah saaxiibada kale ee Soomaaliya ka caawiyo Amniga .

Waxaa Gabagabii lagu soo bandhigay qorshe mideysan oo ka dham ah argagxisada kaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan inay noqdaan kuwa laga miro dhaliyo oo aysan qoraal ku koobnaan si dhibaatooyinka ay argagixisadu ku heyso shacabka looga dulqaado.

“Waxaa loo baahanyahay qorshahaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada AMISOM ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah argagixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha ay u yimaadeen Soomaaliya.

vlcsnap-2021-04-16-10h10m28s777.png vlcsnap-2021-04-16-10h10m23s623.png vlcsnap-2021-04-16-10h09m58s970.png vlcsnap-2021-04-16-10h09m23s326.png vlcsnap-2021-04-16-10h09m03s624.png

The post Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this