Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadinaya dalalka ku muransan webiga Niil

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay, in la xalliyo muranka biya-xireenka Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dowladda Masar.

Labada madaxweyne oo khadka taleefonka ku wada-hadlay, ayaa isla gartay in xal deg deg ah loo helo murankan, si gobolka looga badbaadiyo xiisad siyaasadeed oo dhalisa colaad iyo xasilooni-darro.

Madaxweynaha Masar, Cabdilfitaax Al-siisi ayaa u xaqiijiyay dhiggiisa waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle in uu diyaar u yahay,  in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka biya-xireenka webiga Niil.

Waxaase uu ku baaqay in marka hore Itoobiya joojiso buuxinta biya-xireenka, kadib wada-xaajood saddex gees ah ay isu’gu yimaadaan Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Dadaalka madaxweynaha Jabuuti ee ku wajahan arrintan, ayaa ku soo beegmay xilli dhinacyada muransan ay quus ka taaganyihiin in ay heshiis gaaraan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadinaya dalalka ku muransan webiga Niil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this