Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Muqdisho Ex-M/weyne Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo u guuray Xarumo Cusub”Aag Dagaal”+Midowga Musharaxiinta oo dooranaya M/weyne ku- meel-gaadha 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii u danbeeyay ee Muqdisho Ex-M/weyne Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo u guuray Xarumo Cusub”Aag Dagaal”+Midowga Musharaxiinta oo dooranaya M/weyne ku- meel-gaadha

 shariif.jpg

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii, islamarkaana la filayo in uu maanta u guuro.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdul Qaadir Cosoble iyo Daahir Geelle ay ku sugnaan doonaan deegaanadooda ku xeeran Garoonka diyaaradaha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo.

Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin.

Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho

Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this