Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro Madaxweyne Deni “Ninkii Kursigii waa laga fujin waayay“ Shirkii Golaha Wasiirada PL

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaaminayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha ahaa, Kulankaan ayaa ka duwanaa Kulamadii hore, waxaana la sugayay qaabka uu Madaxweyne Deni uga hadli doono Xaalada Muqdisho.

Shirka oo Albaabada u laabnaayeen ayaa wararka ay Puntlandi.com helayaan, Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyay Madaxda Xilkoodu dhamaadey ee Federaalka inay Dalka galiyeen jahawareer Siyaasadeed oo ulakac loo sameeyey.

Hadal kaftan ah ayaa Madaxweyne Deni uu yiri “Ninkii Kursigii waa laga fujin la’yahay”. Oo uu ula jeedey in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay in Lala tartamo ama uu Doorasho aado.

Madaxweynuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlindoonaa Arimaha Muqdisho Sabtida oo uu la hadli doono Baarlamaanka Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa maanta diirada lagu saaray Amaanka, Caafimaadka iyo Horumarinta, Wasiirada qaarkood ayaa warbixin kasoo gudbiyey Shaqooyinka wasaaradohoodu wadaan.

Puntlandi.com Garowe

2AFC4AB8-EACE-4C01-B9C7-099112BB719A-588 1E5D4B19-4438-472D-80FB-4AA42D106A45-666 AACE2926-6611-4E28-A9D7-640BD8B7DC90-754

The post Sawiro Madaxweyne Deni “Ninkii Kursigii waa laga fujin waayay“ Shirkii Golaha Wasiirada PL appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this