Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Sabtida hortagaya Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu Sabtida soo socota hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho.

Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii ku jihaysnaa xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku dhammaaday ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Sabtida hortagaya Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this