Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa hadda ka socda madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyo cabsi dagaal, waana taas arrinta uu Qoor Qoor kala hadlayo Ra’iisul wasaare Rooble.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) ayaa xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan xaafadda Shiikole ee degmada Deyniile, waxuuna wataa ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal.

Sidoo kale qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaksii iyo Baar-ubax oo aad ugu dhaw isgoyska Shiirkole ayaa caawa lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon, waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu amro weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase aan la fududeysan karin oo ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka.

Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.

The post Xiisad caawa laga dareemayo Muqdisho iyo shir u socda Rooble iyo Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this