Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saadaq Joon oo Muqdisho ka degay xaafad ay ku badan tahay beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq John) uu xarun deegaan ka dhigtay qeybo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Saadaq Joon oo wata ciidamo daacad u ah iyo gaadiid dagaal ayaa deegaansaday xaafadda Shiirkole, halkaas oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin reerkiisa.

Shiirkole ayaa ka tirsan xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, taas oo inteeda badan ay deganyihiin beesha uu ka dhashay Saadaq Joon.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa lagu arkayaa qeybo ka tirsan wadada 30-ka, gaar ahaan isgoysyada Balaaksii iyo Baar-ubax.

Waxaa soo baxaya cabsi xoog leh oo laga qabo in madaxda dowladda federaalku amraan weerar ka dhan ah Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato.

Hadii ay dowladdu ku dhiirato inay weerarto Saadaq Joon waxay dad badan qabaan inay bilaaw u noqon karto qalalaase ka qarxa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa xalay darajadii sarkaalnimo iyo dhamaan waxii xuquuq ciidan ahaa ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq Joon.

S/Guud Saadaq Joon oo lagu tirin jiray saraakiisha ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inuu hor istaagay kulan ay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka mudada ugu kordhinayaan hey’adaha dowladda federaalka.

Hase yeeshee daqiiqado gudahood markii uu kasoo yeeray hadalkaas ayaa xilkii laga qaaday, waxaana qabsoomay kulankii uu hor istaagay ee golaha shacabka, iyadoo uu dhacay mudo kororsigii uu ka digay.

The post Xog: Saadaq Joon oo Muqdisho ka degay xaafad ay ku badan tahay beeshiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this