Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ka Walaacsan Dimoqoraadiyad La’aanta Ka Jirta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Somaliland ayaa warmurtiyeed  kasoo saartay ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxay walaac kaga muujisay xaaladda hadda ka dhex taagan dawladda iyo mucaaradka.
war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda  Somaliland ayaa lagu yiri “Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu caddeyn u yahay dulmiga, iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo soortogal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo in lagu qasbo kumannaan shacab ah in ay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto  Somaliland”.
Warka ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli Golaha Shacabka uu Muddo kordhin labo sano ah  uu u sameeyay Madaxweynihii hore.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this