Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Kulan cadaadis xooggan lagu saarayo Guudlaawe oo Muqdisho ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa hadda kulan xasaasiya la leh madaxweynaha dowladda goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe oo kamid ah maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa labada madaxweyne ku wehlinaya Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran, waxayna madaxweyne Guudlaawe kala hadlayaan go’aankii uu ku taageeray qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay hay’addaha dowladda.

Go’aanka Cali Guudlaawe kula saftay Farmaajo ayaa ka careysiiyay madaxdaas ay isku haybta yihiin oo ah Musharaxiin iyo Madax hore, iyadoo xusid mudan tahay in madaxdan horay u taageereen doorashadiisa oo aanay ka hor imaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii khilaafka badan ka dhashay ee uu ku soo baxay madaxweyne Guudlaawe, wuxuuna intaas kadib kamid noqday maamulada sida weyn u taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida ay ogaataay Caasimada Online, madaxdaan ayaa la wadaagay Cali Guudlaawe niyad jabkooda ku aadan go’aankii la sheegay inuu ku taageeray muddo kororsiga Farmaajo, waxayna ku cadaadinayaan inuu ka laabto.

Kulankan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeeysay ee ay Madaxdii hore uga quusanayaan ama isku fahmayaan madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo la kala ogaan doono midka uu dooran doono.

Kulankaan ayaa daba socda midkii ay xalay la yeesheen Musharaxiinta mucaaridka ah madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor, kaasi oo uu ku bayaamiyay inuusan qeyb ka aheyn taageerada loo muujinayo muddo kororsiga Farmaajo, islamarkaana ay tahay inay Guudlaawe lasoo hadlaan, si kulamo kala la iskugu iamado.

Si kastaba, xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, tan iyo markii uu Golaha Shacabka soo saaray qaraarkii uu muddo kororsiga ugu sameeyay madaxda sarre ee dalka, waxaana isasoo taraya hanjabaadaha ku aadan go’aankaasi ee ay soo saarayaan dalalka beesha caalamka.

The post DEG DEG: Kulan cadaadis xooggan lagu saarayo Guudlaawe oo Muqdisho ka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this