Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in go’aankii lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Qoraal ka soo baxay dowladda Jarmalka, ayaa lagu sheegay in qaraarkaas uu khatar gelinayo amniga Soomaaliya, waxaana loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Jarmalku wuxu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, in ay sii wadaan wada-xaajoodka, si ay heshiis uga gaaraan arrimaha doorashooyinka.

Wuxu sheegay in ay jiri doonaan tallaabooyin la qaadi doono, haddii dhinacyada Soomaaliya ku fashilmaan in ay heshiis ka gaaraan doorashooyinka.

One-1.png?resize=618%2C265&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jarmalka oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this