Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo eedayn u jeedisay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri oo khadka taleefanka kula xiriiray  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutierrez,  ayaa ka codsaday in dib u eegid lagu sameeyo dacwadii Masar ay u gudbisay Qaramada Midoobay ee ku aadaneed dib u eegista muranka ka taagan Biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil.

Intii  uu socday wadahadalka ayauu wasiirka tilmaamay khatarta ay leedahay in Itoobiya, ay sii waddo tallaabooyin hal dhinac ah oo ku aaddan buuxinta labaad ee Biyo xireenka, iyada oo aan la gaarin heshiis wada jir ah.

Af hayeenka u hadlay Wasaaradda Waraabka Masar, ayaa sheegay  in xaaladaha ugu badan ee ay soo bandhigtay Masar, ay aheed ka hadalka dalabaadka dhigooda Itoobiya, ee ah buuxinta Biyo xireenka Al Nahda, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Itoobiya, wali ay dib u dhigeyso saxiixa heshiis kasta oo dammaanad qaadaya xuquuqda dowladaha wadaaga Wabiga Niil.

Ugu danbeeyntii Af hayeenka Wasaaradda Waraabka Masar, ayaa sheegay in dhankooda ay fulinayaan dalabaadii kaga yimid dhinaca Itoobiya ee ku saabsanaa xagga horumarka iyo soo saarista awooda korantada, laakiin Itoobiya ayuu ku eedeeyay in ay ka meermeereyso fulinta heshiiskii & balanqaadyadeedii hore.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo eedayn u jeedisay Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this