Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Dhamaan Derejooyinkii ciidan ka xayuubiyey Jeneral ka tirsan Booliiska Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo oo darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneral ka tirsan Booliiska Somalia

saadiq-279x300.jpg
Saadiq John

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan darajooyinkii ciidan ka xayuubiyey taliyihii hore ee booliiska Gobola Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka qaranka ayaa lagu sheegyaa inuu xeerkaasi sidoo kale baabi’iyey dhammaan wixii xuquuq ah ee uu lahaa Sareeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed ka hor darajo ka xayuubinta.

Telefiishanku waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu saxiixay sharcigaasi.

Sarreeye Guuto Saadiq Cumar Maxamed ayaa shalay u sheegay telefiishanka UNIVERSAL inuu kasoo horjeedo muddo korodhsiga ay Aqalka Hoose ee Baarlamaanku samaynayeen, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada inay doorasho aadaan.

Saacado kadib hadalkaas ayaa taliyaha ciidamada booliska Soomalaiya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu sheegay inuu xilka ka qaaday Saadiq John uuna ku beddelay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this