Deeq A. Posted April 13, 2021 Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey Jaale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajadii Ciidanka Bileyska ka xayuubiyey Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir oo shalay Xilka qaadistiisana lagu dhawaaqay. Darajadii iyo Xaqiiqdii Ciidan ee uu Madaxweynuhu ka qaaday Saadiq Joon ayaa durba waxay la kulantay muran iyo su’aalo, waxaana lagu tilmaamay mid aan habayaraatee wax sharci ah loo marin. Sharciga Ciidamada, Masuulka ka tirsan Ciidamada waxaa Laga xayuubin karaa Darajada hadii Maxkamada Ciidamada ay ku cadeyso dambi uu ku mutaysanayo Darajo iyo Xuquuq ka xayuubin. Saadiq Joon ayaa shalay hor istaagay Kulan ay Baarlamaanku yeelan lahaayeen, wuxuuna ku hadlay hadalo ka caraysiiyey Villa Soomaaliya, hadalkiisa waxyar kadibna waxaa laga xayuubiyey jagadii uu hayay inkastoo uu kasoo horjeestay Xilka qaadista lagu sameeyey. Puntlandi.com Muqdisho The post Jaale Farmaajo oo Darajadii ka xayuubiyay Saadiq John appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites