Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo darajadii iyo xuquuqdii ciidan ka qaaday Saadaq Joon

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210413_212544668.jpg?resi

Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga qaaday Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon), sida ay baahisay wakaaladda SONNA oo ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Saadaq Joon laga qaaday wixii xuquuq ahaa ee ku lahaa dowladda.

Saadiq Joon ayaa shalay xilka laga qaaday markii uu is-hortaag ku sameeyay kulankii baarlamaanka, oo sheegay in aysan ciidamadu aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo darajadii iyo xuquuqdii ciidan ka qaaday Saadaq Joon appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this