Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Askar ka soo goostay ciidamada Federaalka oo Puntland lagu soo dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-17.jpg?resize=720%2C436&ssl=1

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, ayaa maanta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay askar ka soo jeeda Puntland, oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada Maaliyadda iyo Amniga Puntland, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan, ayaa soo bandhigay askartan oo sida ay sheegeen ka tirsanaa Guutada Gorgor ee ay tababarto dowladda Turkiga.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in askartan ay faquuq kala kulmeen hoggaanka Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay uga soo baxeen Ciidanka.

Waxay sidoo kale tilmaameen in askartan dhalinyarada ah ay hadda kadib ka hawlgeli doonaan gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Askar ka soo goostay ciidamada Federaalka oo Puntland lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this