Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Isu’tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya, ayaa si adag uga horyimid mudda kordhinta loo sameeyay golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururada Bulshada Rayidka ah, ayaa lagu sheegay in ay ka horjeedan tallaabada uu qaaday Aqalka hoose ee Baarlamanka dalk,a kaas oo shalay mudda kordhin u sameeyay dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay sii wadaan Wada-hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in dalka doorasho heshiis lagu yahay ka qabsoonto.

Bulshada Rayidka waxay sidoo kale ka digeen in sii socoshada khilaafka siyaasadeed ay ka dhalan karto amni-darro horseedda xadgudub banii’aadanimo.

Rayidka.jpg?resize=1000%2C1194&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this