Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Madoobe oo ka degay Garoowe iyo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210413_164804729.jpg?resi

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhaweyd ka kala degay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la faliyaaa in ay saacadaha soo socda si faahfaahsan uga hadlaan mowqifkooda go’aankii muddo kordhinta dowladda federaalka iyo shirkii fashilmay ee madaxda Soomaaliya.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa intii aysan ka duulin Muqdisho kulan la qaatay qaar kamid ah safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo bil ah magaalada Muqdisho u joogay wadahadaladii fashilmay ee doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Madoobe oo ka degay Garoowe iyo Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this