Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir xasaasi ah oo u socda Mucaaradka, Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya xubnaha Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu ku wada mideysan Madasha Bad-baado Qaran.

Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegay in madaxdaan ka shireyso muddo kordhintii uu shalay sameeyay Golaha Shacabka, midaasi oo ka hor-imaaneysa sharciga dalka iyo digniintii muddooyinkii dambe laga soo jeedinayay arrintaas.

Madaxda ayaa ka wada arrinsanaya sidii ay ka yeeli lahaayeen muddo kordhintaan, waxayna xalay soo saareen qoraalo ay kaga hor-imaanayaan muddo kororisga uu Golaha Shacabka u sameeyay hay’addaha dowladda federaalka.

Sidoo kale waxay shirkaan diirada lagu saaraya sidii mowqif mideysan looga soo saari lahaa muddo kororsiga dowladda, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo saaran war-murtiyeed wada-jir ah oo looga hadlay xaalada dalka iyo qaraarkii Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb ka ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu kasoo horjeeda hogaaminta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, waxayna magaalada Muqdisho muddo ku dhow bil u joogeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay inuu fashilmay shir maalmo uga socda madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan deeganadoodii, kadib markii uu natiijo la’aan kusoo idlaaday shirkii Afisyooni, lamana oga mowqifka ay beesha caalamka ka qaadan doonto arrimahan oo wiiqaya dadaaladii doorashada dalka.

The post Shir xasaasi ah oo u socda Mucaaradka, Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this