Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay Qadiyada Madaxtinimada Ismaaciil Cumar Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo ka hadlay qadiyada Madaxtinimada Ismaaciil Cumar Geelle

geelle-300x150.jpg
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu xilka hayay tan iyo sanadkii 1999-kii

Mareykanka ayaa sheegay in uu lasii shaqeyn doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday halkaas.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada.

“Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha inaga dhexeeyo” ayaa lagu yiroi war qoraal ah oo lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this